Maalinta AIDS-ka Oo Maanta Muqdisho Lagu Qabtay

0
2566

Munaasabad qaadatay Saacado badan ayaa waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana lagu Xusayay Maalinta AIDS- ka oo ku beegan 1 da December taa oo sanad kasta Dunida laga xuso, Iyadoo ay ka soo qayb galeen Mas,uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya iyo Marti sharaf kale .
Mas,uuliyiinta Khudbadaha ka jeediyay Munaasabadii Maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ay dhamaantood isku raaceen Muhiimada ay leedahay in loo wada istaago ka hortaga iyo Joojinta in uu Faafo Cudurkaan Dilaaga ah Ee HIV Adiska oo Isagu Dunida Dhibatao badan ku haya Somaliyana ay qayb ka tahay Dalalkaas Waxaana ay ku baaqeen in bulshada laga wacyi galiyo Cudurkaan isla markaana aan la Faquuqin Dadka la nool HIV Adiska .
Maxamed Saciid Shire oo ku hadlayay Afka Dadka la Nool Cudurka HIV Adiska ayaa waxaa uu ka sheekeeyay Mudadii Cudurkaan uu la noolaa iyo Marxaladaha ay ku Noolyihiin dadka qaba Cudurka waxaana uu ku baaqay in Shaqooyin loo abuuro Dadkaas islamarkaana aan la faquuqin .
Gudoomiyaha Gudiga Qaranka Ee ka hortaga Cudurka HIV Adiska Axmed Maxamed Jimcaale ayaa waxaa uu ka sheekeeyay Tirada Dadka la nool Cudurka HI- ga iyo Soomaaliya Heerka uu ka joogo Waxaana uu ku baaqay in la sameeyo Qorshe Qaran oo wax loo qabanayo Cudurkaan Madaxda Qarankuna ay ka qayb galaan Howshaas.
Gudoomiyaha Gudiga Arrimaha Bulshada Baarlamaanka Soomaalita Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo isagu Khudbad dheer oo uu diirada ku saaray Arimaha Caafimaadka Gaar ahaan Cudurkaan Dilaaga ah Ee HIV Aids ka ka jeediyay ayaa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in Faquuqa laga daayo dadka la Nool Cudurkaan islamarkaana Wacyi galinta ku saabsan ka hortaga Cudurka kor loo qaado.
Ugu Dambeyntii Waxaa Xaflada soo xiray Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud oo isagu ku dhawaaqay in Wasaarada Caafimaadka ay Diyaar u tahay inta ay awood u leedahay wax walba oo looga Wacyi galinayo Bulshada Faafida Cudurkaan Sidoo kalena Dadka Cudurka la nool ay Wasaaradu shaqo u abuuri doonto inta ay Awooda u leedahay.
Munaasabada ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa Mas,uuliyiinta ka qayb gashay Agaasimaha guud Ee Wasaarada Caafimaadka Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Xubno kale.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here