Maalinta caalamiga ee Afka hooyo oo Muqdisho laga xusay

Maanta oo kale inta badan caalamka waxaa laga xusaa maalinta afka hooyo, oo ah maalin dadka lagu dhiiri geliyo in afkooda hooyo iyo dhaqankoodaba ay horumariyaan.

Hoolka Shirarka Cali Sugule ee Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay Munaasab lagu xusaayo Maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo.

Munaasabada oo ay ka qeeyb galeen qaar ka mid ah Qorayaasha, Ardada Jaamacadaha iyo Mas’uuliin kala duwan ayaa waxaa  lagu soo bandhigay hodontinimada Afka Hooyo, muhiimaddiisa, iyo mudnaanta adeegsigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here