Maalinta shaqaalaha oo Muqdisho laga xusay-Sawirro

1716

Munaasabadan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo isutaga Midowga Ururada Shaqaalaha  Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay Waxqabadka Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka qaataan horumar dalka.

Gudoomiyaha isutaga Midowga Ururada Shaqaalaha  Soomaaliyeed Md Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa dowladda iyo Hey’adaha gaar ah ugu baaqay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan in Shaqaha Soomaaliyeed la horumariyo.

”Dhamaan shaqaalaha Soomaliyeed iyo loo shaqeeyaha waxaa rabaa in dadka ganacsatada ah in aan halkaan baaq ugu jeediyo in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha dalka uu leeyahay” ayuu yiri Xaaji.

Gudoomiyaahaa gudiga adeeg bulshada golaha Barlamaanka Xildhibaan Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa ugu horeyn hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed isla markaasna qiray in shaqaaluha ay yihiin lafdhbarka Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Md C/weli Sheekh Muudey oo ka hadlay munaasabada Kowda May  ayaa nasibdo ku tilmaamay in shaqaale gaaraya shankun  ay dalka ka howlgalaan iyadoo ay dadka Soomaaliyeed ay intooda badan ay la’yihiin.

“Hadda inta la sameeyay waxaa ay gaarayaan 5750 oo shaqaale ajanabi ah ayaa la diiwaangeliyay 5750 oo Soomaali ah oo shaqaale ah ma jiraan sida uu gudoomiyuhu sheegay 400 iyo wax yar waaye ma qaadan karno arintaasi waana la isga daba tagaya hadii ilaahay yiraahdo” ayuu sheegay wasiir Muudey.

Sanad walba maanta oo kale ayaa laga Xusaa maalinta Caalamiga ah ee 1 Maay oo ah maalinta shaqaalaha aduunka.

DSC00195 DSC00220 DSC00223 DSC00224 DSC00234 DSC00238 DSC00251 DSC00258 DSC00261 DSC00268 DSC00277 DSC00278 DSC00322 DSC00324

Sawir Qaade: C/laahi Codka

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here