Maalinta xoriyadda hadalka oo Muqdisho laga xusay “SAWIRRO”

0
1361

Munasabadaani lagu  xusayey 3 May oo ah maalinta  xoriyadda  saxafadda  caalamka   isla markaana lagu  furayey  siminaar lagu banaranayey heerka ay  gaarsiisantahay   xoriyadda  saxafadda  iyo sida  ugu wanaaagsan ee ay  u wad shaqayn karaan   bahda warbaahinta iyo hay’addaha  amniga dalka  ayaa maanta lagu qabtay magaladda Muqdisho.

Xafladda oo ay soo qaban qaabisay  wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo kaashanaysa  ururka saxafiyiinta qaranka ee NUSOJ ,hay’adda horumarinta warbaahinta caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKIS   iyo  hay’adda  Relief ayaa  waxaa ka qayb galay  wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, wasiirka  Haweenka  iyo Horumarinta xaquuqul insaanka , wasiirku xigeenka iyo wasiiru dowlaha warfaafinta Soomaaliya,taliyaha  hay’adda nabad sirdoonka iyo nabad sugidaa qaranka iyo marti sharaf  kale.

Xasan Cabdulqaadir Ciise   agaasimaha  hay’adda Relief  ee koonfurta  iyo bartamaha  Soomaaliya  oo   ugu horayn  ka hadalay  munaasabada ayaa  sheegay  in wariyaasha Soomaaliyeed  ay  haysato    daruufo kale duwan  isla markaana  ay ka qayb qataan tayeyntoodda.

Xoghayaha  ururka  saxafiyiinta Soomaaliyeed  NUSOJ  Maxamed  Ibrashim Pakistaan  ayaa  goobta ka sheegay   tacadiyadii ugu  dambeeyay wariyasha Soomaaliyeed ay  ka kulmeen.

Juha Rekola  oo  kamid ha mas’uliyiinta  hay’adda  horumarinta  Finland  ahna  madaxa  wariyaasha  dalkaasi   sheegay in saxafadda Soomaalida looga  baahan yahay  qayb ka qataan   horumarinta   xorida hadalka iyo horumarka  dalka.

Cabdirasaaq   Cali Yuusuf  “Bahlaawi” agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta  ayaa xusay in munasabadan ay tahay  mid  ahmiyada  weyn   u leh  bahda warbaahinta Soomaaliyeed.

Taliyaha  hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Janaraal Cabdirahmaan  Maxamed  “Tuur-yare”  oo ka  hadalay xaflada  ayaa ka dalbaday wariyaasha Soomaaliyeed  in qataan  mas’uliyadda  kaga aadan  horumarinta aminga dalka iyo amaankiisa.

Marwo Sahra Cali Samatar   Wasiirka  Haweenka  iyo  Horumarinta  xaquul insaanka  xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in warbaahinta Soomaaliyeed  ay  door weyn ku leeyihiin  horumarka dalka  ka soconaya isla markaana si wanaagsan looga  faa’iidaysto awoodda.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka  iyo Dalxiiska  Xukumadda  Federaalka Soomaaliya  mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”  oo  munaasabada ka jeediyey  hadal   dheer ayaa  guud ahan   saxafadda Soomaaliyeed  u diray Hambalyo  guud ahaan   suxufiyiinta Soomaaliyeed , isagoo  tilmaamay in warbaahinta Soomaaliyeed ay noqon doonto  mid la jaan qaada  horumarka ay warbaahinta  aduunka.

 

1 2 3 4 5

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here