Maamulka dagmada Hobyo oo mamnuucay gadashada dhulka danta guud ee dagmadaasi

Waraaq ka soo baxday xaafiiska guddoomiyaha dagmada Hobyo Cabdulaahi axmed Cali Fat ayaa soo saarayqoraal uu ku ogaysiinayo laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ah in la mamnuucay In la kala gato dhulka danta guud ee dagmada Hobyo.

Amarkaan ayaa sidoo kale maamulku ku joojiyay dhismaha dhul daaqsimeedka deegaannada dagmada Hobyo hoos yimaada oo in badan ay ka dhasheen xiisado colaadeed.

Wareegtadaan Maamulka dagmada soo Saaray ayaa ku soo aaday ka dib markii dhawaan ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Booliiska ay howlgallo ka sameeyen dagmada Hobyo iyo deegaanno hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here