Maamulka degmada Buur hakaba oo lagu wareejiyay Booyad

0
979

Ka dib munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xarunta safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay magaaladda Muqdisho oo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeybta tababarka ciidamada talyaaniga ee Soomaaliya waxa ay booyad nooca biyaha ah oo loogu talo galay shacabka degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ay ku wareejiyeen maamulka degmadaasi.

Bernardo mencaraglia oo ah madaxa qeybta Talyaaniga ee saraakiisha ururka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in booyadan ay ugu talo galeen in loogu adeego shacabka ku nool degmada Buur hakaba ee gobolka Baay.

Saaka waxaan wareejinay booyadan nooca biyaha lagu qaada ah oo aan ku wareejinay degmada Buur hakaba taa oo daba socota codsigii uu dhawaan uu noo soo jeediyay Mudane Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya”.

“Xaqiiqdii aad ayaan ugu faraxasnahay in saaka goob joog ahaado  xafladan kooban aan ku wareejinayno booyadan oo aan ugu talo galnay shacabka ku nool degmada Buur-hakaba”. Ayuu yiri sarkaalkan.

Xildhibaan Siidow Cali Abaadir oo ah Mudane Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay deeqdan booyada ah ee maanta lagu wareejiyay isagoo dhinaca kalana sheegay in baahida shacabka degmad Buur-hakaba aysan kaafin karin hal booyad oo kaliya loona baahanyahay kuwo kale oo dheeraad ah.

Waa degmada ugu tuulooyinka badan waaye waana 398 tuulo booyad hal iyo laba waxba maka taraayaan degmada baahiyaha biyo ee ka jira laakiin waa hadiyad waana uga mahad celineynaa dowladda Talyaaniga ,waa bilow wax badanna waan sugeynaa waana ku faraxsanahay welina wax badan ayaa dhiman’’. Ayuu yiri xildhibaanku.

degmada Buur hakaba iyo deegaanada kale oo hoos yimaada ayaa mudooyinkan dambe waxaa ka soo yeereysay qaylo dhaan key aadan biyo la’aan ka jirta halkaas.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here