Maamulka Degmada Heliwaa oo faah faahin ka bixiyay dib u dhiska waddada Balcad iyo Muqdisho “SAWIRRO”

0
848

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal dhawaan wafdi uu hogaaminao Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed oo uu ka midyaha Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ay ku tegeen xarunta Degmada Heliwaa, kuwaasi oo u kuurgalayay xaaladda degmada iyo horumarka ka jira degmada.

Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle Guddoomiyaha Degmada ayaa madaxda uga warbixiyay xaaladda amni iyo tan horumar ah ee ka jirta degmada Heliwaa, waxaana ujeedka wafdi ay ahayd sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Waddada Balcad ee isku xirta Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Intaas kaddib wafdiga ayaa waxa ay tegeen Waddada si ay u soo qiimeeyaan qaabka ugu dhaw ee dib loogu dhisi karo.

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ayaa xusay in dhankooda ay xoogga saaraaan xaqiijinta amniga Degmada, waxaana uu shacabka ka codsaday inay ka qeyb qaataan doorka uga aadan dib u dhiska waddada isku xirta Balcad iyo Muqdisho.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here