Maamulka Degmada Hobyo oo walaac ka muujiyay Dabaylo ku dhuftay xeebaha Hobyo.

Maxamuud Maxamed Cawaale Guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaliyeed ayaa tilmaamay inay jiraan dabaylo ku dhuftay xeebaha hoos yimaada Hobyo kuwaasoo saamayn ku yeeshay kaluumaysatada Galmudug.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay inay Hobyo Horumar hiigsanayso isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug sida ay xoog u saareen hormarinta ganacsiga Magaalada Hobyo iyo guud ahaan kan Galmudug.

Inta badan xiligaan oo kale dabaylo xooggan ayaa ku dhufta Xeebaha waxayna saamayn ku yeeshaan dadka ku nool Xeebaha Dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here