Maamulka degmada Waaberi oo kulan ka yeeshay amniga iyo nadaafadda degmada

0
1683

Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlayay horumarinta iyo sugida amniga degmadaasi iyadoo ay ka qeybgaleen maamulka degmada saraakiisha Booliska,Nabadsugida iyo gudoomiyayaasha waaxyaha degmadaasi.

Kulankan ayaa waxaa xooga lagu saarayay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen maamulka iyo laamaha amniga degmada iyo sida bulshada Waaberi loola yeelankaro xiriir dhow si looga hortago amni darada iyo nadaafad xumi soo wajahda degmadaasi.

Gudoomiyaha degmada Waaberi Xaawo Maxamuud Cali ayaa tilmaamtay in maamulku uu iska xog wareystay sida loo dardar gelin karo amaanka degmada iyo in lasoo celiyo bilicda iyo nadaafadda degmada Waaberi waxaana dhawaan ay aheyd markii maamulka gobolka Banaadir uu maamul  cusub u magacaabay degmaadasi,taasoo qeyb ka ah isbedelka uu gudoomiyaha gobolka Banaadir ku sameeyay guud ahaan maamulka degmada.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here