Maamulka G.Banaadir oo furaya Bangi Dhiig

1334

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobilka Benaadir Cabdullahi Cilmi Xaaji(Ereg) ayaa Siminaar ku saabsan fayo qabka iyo keydinta Dhiigga u furay waaxda Caafimaadka Dowladda hoose ee Xamar.

Siminaarkaasi oo lagu Baran Doono Sidii Loo Sameyn lahaa Bangi Dhiig oo Loo Sameynaayo Dowladda Hoose ee Xamar Gudomiye Ereg ayaa sheega in loo Bahanyahay in laga Shaqeeyo Sidii an u yeelan lahaeyn Bangi Dhiig oo Keed ah Si An u Badbaadino Shacabkeena.

Dhinaca kale Kulan looga hadlayay Amniga Degmooyinka Gobolka Benadir ayaa lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Masuuliyiin eey ka mid yihiin Wasiir Dowlaha wasaarada Amniga xukumada somalia,Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Benadir,Gudoomiyaasha 17.ka degmo iyo Dhamaan Taliyaasha saldhigyada booliska degmooyinka Gobolka Benadir ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here