Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Haweenka oo deeq lacageed gaarsiiyaay  Qoysas dan yar ah

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Haweenka Ayaa deeq lacageed oo xaqul ciid ah gaarsiiyaay ku dhawaad 200 oo qoys oo dan yar ah oo ku nool Magaalada muqdisho.

Deeqdan oo ka timid Hay’adda Hormuud Foundation ayaa waxay ugu talagashay dadka dan yarta ah oo iskugu jira dadka barakacayaasha iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba si ay ugu ciidaan maalinta ciidul fidriga oo ay Maalmo kooban naga xigto

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (jawaahir Baarqab) oo u Mahadcelisay hay’addii bixisay lacagahaan sadaqada ah ayaa sheegtay  in lagaaray xiligii ay dadka  soomaaliyeed isku tashan lahayeen oo ay is kaalmeen lahayeen.

Munaasabadaan oo lagu kaalmeenaayay dadka dan yarta ah ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ka sogoow wasaarada haweenka iyo Maamulka Gobolka Banaadir qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo gudoomiyaha Ururuka Dhaliyarada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here