Maamulka Gobolka Banaadir oo agab nadaafadeed gaarsiiyay xerada Damaanyo+Sawirro

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta agab nadaafadeed gaarsiiyay xerada ciidanka Damaanyo ee magaalada Muqdisho si looga hortago faafida cudurka karoona fayris oo dalka laga helay kiisas kamid ah.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti), guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo agaasimaha guud ee bilic soo celinta iyo nadaafadda maamulka gobolka Banaadir Sharmaake Caddow Tuuryare ayaa gaarsiiyay agabkaan xerada ciidanka Damaanyo Waxaana kala wareegay saraakiisha ciidanka Gorgor.

Agabkaan ayaa qeyb weyn ka qaada doona nadaafadda xerada si looga hortago xanuunka karoona fayris oo adduunka dhibaato ba’an ku haya wuxuuna maamulka gobolka Banaadir bilaabay dardar gelinta ololaha looga hortegayo faafida cudurkaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here