Duqa Muqdisho oo casho sharaf u sameeyay wefdi ka socda Dariiqada Suufiyada ee dalka Suudaan “SAWIRRO”

0
4129

Kulan casho ah oo maaulka gobalka banaadir ku sogootinayey wafdi ka socda dalalka Masar, Suudan iyo Turkiga oo ay ka qeybgaleen xidhibaanno iyo marti sharaf kale ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu sagootinayay wafdiga oo u badnaa culimo kuwaasi oo maalihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana markii ay soo gaareen xarunta maamulka Gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa ay xerta Sheekh Muxudiin Celi ku soo dhaweeyeen digri salaan.

Sheekh Cubeyd Karaar oo hogaamiyay wafdiga ayaa maamulka gobolka Banaadir uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen iyo socdaalkii ay ku yimaadeen caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ka hadlay kulanka ayaa culimada uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isagoo xusay in tani ay ka turjumeyso sida maamulka gobolka uu u doonayo in uu soo dhaweyn diiran u sameeyo wafuudda booqashada ku imaanaysa Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur oo ugu dambeyntii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir casuumaadda uu u fidiyay culimadan, isagoo tilmaamay inay xoogga saarayaan xoojinta xiriirka culimada Islaamka.

_MG_8074

_MG_8101

_MG_8115

_MG_8119

_MG_8126

_MG_8166

_MG_8181

_MG_8223

_MG_8245

_MG_8320

_MG_8346

_MG_8359
Sawir Qaade:- Jabiiba

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here