Maamulka Gobolka Banaadir oo kaalmo u fidiyay Dhibbane Sacdiyo Saleemaan

586

Hooyo Sacdiyo Saleebaan, oo ka mid aheyd walaalihii ku waxyeeloobay Weerarkii Argagixisada todobaad ka hor ay ka geysteen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, ayaa ah hooyo dhashay 5-caruura, waxaana weerarkaasi ay ku weysay qeyb kamid ah labadeeda gacanmood, iyada oo wajiga iyo xubno kale oo jirkeeda kamid ah uu soo gaaray dhaawac culus.

Isbitaalka Erdogan, Ex digfeer, oo lagula tacaalayo xaaladeeda Caafimaad waxaa ku booqday Guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Basmo Caamir Shakeeti oo ay wehliyeen Xubno kale oo kamid ah maamulka gobolka, si looga warhaayo xaaladda caafimaad ee Sacdiyo iyo dhaawacyada kale ee kujira Isbitaalka ee weerarkaasi uu wax kasoo gaaray.

Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo ka mid aheyd xubnihii gaaray Isbitaalka ayaa tilmaamtay in dhaawacyadii soo arkeen ay u baahan yihiin caawinta dadka Soomaaliyeed.

Gudoomiye kuxigeenka maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir oo sheegtay in maamulka gobolku uu balan qaaday masuuliyadda nolosha caruurta Sacdiyo iyo baxnaaninta xaaladeeda caafimaad.

Al-shabaab oo geystay weerarka ay dhibaatada kasoo gaartay Hooyo Sacdiyo waxaa ay ku faanaan bartilmaameedsiga shacabka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray Amniga qeybta Bari, oo ay ku mideysan yihiin afar degmo oo kamid ah gobolka Banaadir waxaa maamulka gobolka Banaadir uu ugu talo galay in si wadajir ah degmooyinkaasi ay isaga kaashadaan amniga degmooyinkooda, taasi oo meesha ka saareysay falalka Argagixisada iyo cid waliba oo ka shaqeeneysa Amni daro.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here