Maamulka gobolka Banaadir oo maanta ku Kulmay Xarunta Dhexe ee Gobolka-Sawirro

1
1853

Kulankan maamulka gobolka Banaadir oo ku yeeshay xarunta dhexe Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlayey arimo badan oo ay kamid yihiin wacyigalinta bulshada amaanka iyo nadaafada waxaana ka soo qeyb galay dhamaan 17 ka gudoomiye degmo waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab”.

Kulanka ayaa waxaa looga dooday arimaha amaanka gobolka oo lagu heshiiyey in hay’adaha amniga la gacan siiyo sidoo kalena waxaa shirka si qoto dheer looga hadlay sedexda qeyb ee dowlada hoose ugu muhimsan oo kala ah :

1) Nalaynta oo maraysa meel dhamaaad ah oo Xamar oo dhan la Naleyey.

2) Nadaafadda oo magaaladda Muqdisho 1km kasta  lagu qoray 10 qof oo shaqaale ah mushaarna ka qaata dowlada hoose.

3) Nabadgeliyadda  waxaana sedexdaas la isku yiraahdaa (3N) waana shaqada dowlada hoose ugu muhimsan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amar ku bixiyey in maanta laga bilaabo cidii la arko iyadoo laamiga qashin ku shubeysa la xiri doono  isla markaana maxkamad la saari doona waayo waa qof ka soo horjeda  bilicda iyo horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

_MG_9890 _MG_9898 _MG_9900 _MG_9901 _MG_9904 _MG_9913 _MG_9916 _MG_9921 _MG_9947 _MG_9948 _MG_9949

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waa wax wanaagsan nadaafada ,shacabka muqdisho ayaa qurxin kara magaaladooda dadka jecel in magaalada muqdisho qashinka ku daadiyaan talaabo in laga qaado wey fiican tahay.aad bay u fiicnaan laheyd in shacabka muqdisho video camera ka duubaan dadka jecel in magaalada muqdisho qashinka ku shubaan ka dibna sharciga la marsiiyo iyadoo cadaalada laga tageynin….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here