Maamulka Gobolka Banaadir oo Shacabka Degmada Waabari la afuray.+Sawirro

1266

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shacabka iyo maamulka degmada Waaberi wada-shaqeynta ka dhaxeysa, waxuna ku dhiirigeliyey in la sii xoojiyo iskaashiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud, Xoghayaha Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha afarta Degmo ee Waabari, XamarJajab, Hodan iyo Howlwadaag ayaa wadajir uga qeyb galay afur wadareed ay shacabka degmada Waaberi u sameeyeen masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Mudane Yarisow ayaa bulshada Waaberi u sheegay in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ay la qeybsanayaan marxalad kasta oo ay ku sugan yihiin. Isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in wax walba lagu wajaho iskaashi iyo isku xirnaan bulsho.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu mudnaan gaar ah siinayo isku xirnaanta shacabka iyo maamulka, gaar ahaan arrimaha Diriseynta oo qeyb weyn ka qaadanaya amniga, waxuna ugu baaqay bulshada Caasimaddu in ay la shaqeeyaan Ciidamadda Ammaan, si cadowga baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed meel looga soo wada-jeesto.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here