Maamulka Gobolka Benaadir oo ka dooday Barnaamijka dariseynta “SAWIRRO”

0
806

Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa shir guddoomiyey shir looga hadlayey Barnaamijka Deriseynta iyo amniga Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xiggeenada, xoghayaha  maamulka Gobolka , Guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee Gobolka, Saraakiisha Ciidamada iyo Ururada Bulshadda.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo jeediyay tallooyin ku saabsan hanaanka loo marayo dariseynta, iyadoo uu Guddoomiye Taabit ku riyaaqay qaabka ay madasha ugu soo bandhigeen hanaankaasi.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed,  ayaa sheegay in Barnaamijka Deriseynta iyo Amniga uu aad muhiim ugu yahay Bulshada Gobolka Banaadir ku nool, waxaana uu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan hirgelinta barnaamijka.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here