Maamulka Gobolka Gedo oo howlo kormeer ah ku tegay saldhiga booliska degmada Luuq “SAWIRRO”

Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cisman Nur Xaji iyo Taliyaha Qeybta booliska Gobolka Gedo Gaashaanle Dhexe Cabdiqadir Cumar Biixi ayaa kormeer ku tegay saldhiga booliska Degmada Luuq, waxaana ay si guud  u soo kormeereen guud ahaan qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha saldhiga oo qayboa ka mid ah ay yihiin kuwa bur bursan, iyagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha saldhiga ka howlgala.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Gedo Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Cumar Biixi ayaa kula dar daarmay ciidmada booliska in ay ka soo baxan shaqadii loo igmaday oo ay xoojiyaan howlgallada ammaanka lagu xoojinayo.

Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo Cisman Nur Xaji ayaa sheegay in ciidamada booliska Gobolka Gedo ay heli doonaan abaalmarino ku aadan waxqabadkooda, isagoo sheegay in loo bahanyahay inay laba jibaaraan shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

W/D: Maxamed Kafi UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here