Maamulka gobolka Banaadir oo mar kale ku baaqay bixinta canshuurta guryaha

993

Guddoomiyaha guddiga dardargelinta howlaha maamulka gobalka banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda Maamulka gobalka Maxamed Axmed Diiriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka gobalka, si loo dar dargeliyo howlaha qaadista canshuurta guryaha ee magaalada Muqdisho,  kaas oo uu dhawaan ku dhawaaqay guddoomiyaha gobalka Banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungab”.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada deeganka Xamar Cabdinaasir Maxamud (Indha-Qarshe) oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyed ee ku nool magaalada Muqdisho looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuuraha guryaha si loogu fududeeyo adeegyada ay bulshada u baahan tahay.

Guddoomiyaha degmada Kaaran Cabdifitax Nuur Cali ayaa dhankiisa xusay in maamulka degmada Kaaran ay maga caaben  gudi la fududeeya howla qaadista canshuuraha, si loo xoojiyo wada shaqeybta shacabka iyo dadka ku howlan qaadista canshuurta.

Guddoomiyaha gudiga dar dar galinta Howlaha maamulka gobalka Banaadir ahna gudoomiye kuxigeenka siyaasada ee maamulka gobalka Maxamed Axmed Diiriye oo kulanka soo xiray ayaa ugu baaqay bulshada Soomaliyed iyo maamulada Degmooyinak gobalka in si wadajir ah la isaga kaashado bixinta canshuuraha guryaha si loo horumariyo bilicda caasimada.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here