Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe oo ku baaqay in laga caawiyo sidii biyo xireen loo sameyn lahaa

0
1240

Maamulka Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa ugu baaqay bulshada degta gobalkaasi ee joogta dal iyo dibadba in ay ka qeybqaataan horumarka gobalka, gaar ahaan sidii Maamulka gacan looga siin lahaa inay sameeyaan biyo xireenno looga hortagayo fataahaadda webiga Shabeelle.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo horumarinta gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Sugaal Cismaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin cabsi xoogan oo iminka laga qabo in webiga Shabeelle uu fatahaad sameeyo, waxaana uu intaa ku daray in tuulo dhanka waqooyi ka xigta degmada Mahadaay uu webiga ka soo jabsaday.

Maxamuud Sugaal Cismaan ayaa ugu baaqay bulshada gobolka ku nool inay u istaagto sidii Maamulka looga taageeri lahaa ka hortagga in fatahaad uu sameeyo Webiga Gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan ugu baaqayaa in xooggooda ay uga qeyb qaataan sidii biyo xireenno loogu sameyn lahaa Webiga Shabeelle, maamulkana ay garab ku siiyaan sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa, hadda ma jirto cabsi xoogan oo laga qabo in webiga Shabeelle uu fatahaad sameeyo” ayuu yiri ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Shabeelaha dhexe.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here