Maamulka Jaamacadda Jobkey oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay arday cusub “SAWIRRO”

Maamulka Jaamacadda Jobkey ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyay xarunta dhexe ee Jaamacadda ardayda cusub oo Jaamacadda ku soo biiray.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Jaamacadda ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka, Macalimiin, arday iyo marti sharaf kale, waxaana madaxdii ka qeyb gashay kulanka ay gebi ahaanba ka hadleen dadaalka ay Maamulka Jaamacadda ugu jirto sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Qaar ka mid ah ardayda cusub oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ku soo biiridda Jaamacadda Jobkey.

Guddoomiyaha Jamaacadda Jobkey Cabdicasiis Caagane Cabdisamad oo la hadlayay ardayda cusub ayaa ku bogaadiyay inay ku dadaalaan tacliinta sare oo ay ka faa’iideystaan xilliga ay socdaan xiisadaha.

Ardayda cusub ee soo dhaweynta loo sameeyay ayaa waxa ay gaarayaan 1,800 arday, kuwaasi oo doortay kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacadda dhigato, waxaana ardayda laga qaaday imtixaan.

IMG_1875 IMG_3463 IMG_3515 IMG_3529 IMG_3535 IMG_3603 IMG_3611 IMG_3625 IMG_3666 IMG_3694

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here