Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha degmada Warsheekh, ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa lagu hakiyay dalxiiskii lagu tagi jirey magaalo xeebaadka faca weyn ee Warsheekh.

Go’aankan ayaa lagu sababeeyay ka hor tagista xanuunka COVID-19, maadama sida la sheegay uu ku faafo isu soo dhowaanshaha dadka.

Sidoo kale, maamulka degmada waxaa ay joojiyeen dhammaan waxbarashada degmada, sida; Malcaamadaha lagu barto Qur’aanka Kariimka, Iskuulaadka iyo Mowlacyada lagu barto culuumta diiniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here