Maamuuska Qaran Ee Hoboladdii Qaranka Marxuumad Saynab Cali Baxsan

– Fanka waxay ku bilawday Askarinimo waxayna ka mid ahayd kooxdii ciidanka xoogga dalka 1964.

– Labo mar ayaa Dowladdu bari-samaadkii ku abaal marisay doorkeeda wadaniyadeed iyo sida ay dalkeeda u jeceshahay.

-Seynab waxa ay tusaale u tahay daljaceylka, geesinimada iyo dhabar adeyga haweenka Soomaaliyeed oo udub dhexaad u ah dowlad dhiska, horumarka dalka iyo wacyigelinta bulshada.

Maamuuskan Qaran ee loo sameeyey iyo macnaha uu leeyahy.

– Si jiilba jiilka ka danbeeya u dhaxalsiiyo wadaniyadda iyo daacadnimada ay Qaranka ugu soo shaqeysay Marxuumad Seynab Xaaji Cali Baxsan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ugu magac daray Guriga Hooyooyinka Qaranka oo manta laga bilbaabo noqonaya GURIGA HAWEENKA EE HOOYO SAYNAB XAAJI CALI (BAXSAN)

-Maamuuskani waxa uu muujinayaa qiimaha ay noo leedahay waddaniyadda iyo mudnaanta aan siineyno halyeeyada naftooda iyo noloshooda u huray midnimada, dowladnimada iyo horumarka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here