Maareeyaha howlaha maraakiibta oo ka digay bad xiranka

0
1400

Mareeyaha Guud ee Howlaha Maraakiibta iyo Gaadiidka Badda Eng.Qaasim Axmed Cabdulle oo manta Shirjaraa’id ugu qabtay gudaha wassaradda Gadiidka Badda iyo Dekeddaha ayaa ka digey dabeelo ay suuro galtahay in  badweynta Indian ay ka bilowdaan maadaama laguda galayo xiliga badxiranka   waxa uuna  baaq u direy Ganacsatadda iyo shirkaddaha kale.

Wasaaradda gaadidka bada iyo dekedaha ayaa faahfaahisay maraakibta xiliga bad xiranka isticmaali karta waxeyna dadka ku howlan soo daabulidda qaxootiga Yemen ay key booriyeen  ineysan key soo qaadin marakiib culeyskoodu  ka yaryahey 1500 mitrig -tan.

Mareeyaha Guud ee Howlaha Maraakiibta iyo Gaadiidka Badda Eng.Qaasim Axmed Cabdulle mar uu arimahaas sharaxayey waxaa hadalkiisa ka mid ahaa.

“Laga bilaabo bisha Juun 1deeda waxa bilawday dabeylo xoogan oo ka imana (jahada)koonfur galbeed una dhamanaya waqooyi bari hadaba waxey wasaaradda gadiidka bada iyo dekedaha wargalineysaa ganacsatadda ineysan bada mari kari marakiibta iyo doonyaha culeykoodu ka yar yahey 1500 mitrig-tan” ayuu yiri Qaasim.

Sidoo kale mareeyaha Mareeyaha Guud ee Howlaha Maraakiibta iyo Gaadiidka Badda Eng.Qaasim Axmed Cabdulle ayaa uga digey dadka Key howlan soo daabulidda qoxootiga dagaladda Yemen ka soo cararaya  ineysan iska fiiriyaan mmaraakiibta ay dadka key soo qaadayaan.

“Badda maadaama ay ka jiraan dabeylo xoogan marakiibta iyo doomayaha tankoodu yaryahay waa in aysan key soo qaadin qaxootiga  si  aysan khatar u galin naftooda,  waxaa sidoo kale kaluumaysatadda ugu digaynaa in aysan aadin badweynta” ayuu markale sheegay Qaasim.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here