Madaxda dowlad Goboleedyada oo gaaray magaalada Garoowe

Magaalada Garowe waxaa goordhaw gaaray Madaxweynayaasha maamul goboleedyada  oo saaka ka amba-baxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Mas’uuliyintaan ayaa waxaa garoonak diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,waxaana ay halkaasi kaga qaybgalayaan Aaska Allaha u naxariistee Madaxweynahii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Saacad ka hor waxaa Magaalada Garoowe gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi si ay uga qeyb galaan aaska Allaha ha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweynahii hore ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here