Madaxda dowladda oo kulan la yeeshay wasiirka arimaha dibada Qatar oo maanta yimid Muqdisho-Sawirro

0
3653

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cumar C/rashiid Cali  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  C/salaam Hadliye Cumar  ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka ( Villa Somalia) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Qatar H.E. Khalid bin Mohammed Al Attiyah oo booqasho ku yimid Caasimadda dalka ee Muqdisho .

Kulankaasi oo albaabada u xirnaa , waxaa xigay kulan ballaaran oo Wafdiga dowladda Qatar iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha ay yeesheen , waxaana ka qeybgalay wasiirada arrimaha dibadda Dr. Cabdisalaam Hadliye Cumar , Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim ,wasiirka  waxbarashada iyo tacliinta sare  Dr. Khadar Bashir Cali , wasiirka amniga  gudaha Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed, wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada  Mudane Cali Axmed Jaamac  “Jangali”, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Khaalid Cumar Cali , wasiir kuxigeenka arrimah dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga  Axmed Maxamed  Cali  “ Kediye” , taliyaha hey’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Major General Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare , gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Major General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” iyo mas’uuliyiin kale .

Shir Jaraa’id oo si wadajir ah ay u qabteen wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxa ay sheegeen in laga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga xoogan ee labada dal ka dhaxeeya .

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xusay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya , kana qeyb qaadan doono dib u dhiska, mashaariicda horumarinta iyo soo celinta adeegyada caafimaadka iyo kaabashaayasha dhaqaalaha.

Dhankiisa , Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga ee Soomaaliya ayaa xusay in dhiggiisa Qatar ay kala hadleen iskaashi dhinacyo badan leh oo labada dowladood ay yeeshaan , xaaladaha ammaan darro ee Yemen , si gaar ah taageeridda iyo badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi .

Wasiir Dr. C/salaam Cumar Hadliye waxa uu cadeeyay in Soomaaliya iyo Qatar ay ka mideysan yihiin mowqifka taageeridda dowladda sharciga ah ee Yemen , ayna rajeynayaan in nabadda iyo deganaanshaha dalkaasi dib u soo noqon doonto .

Wafdiga dowladda Qatar ayaa waxa ay booqasho ku tageen dhul dowladda hoose ee Muqdisho ay ugu deeqday oo ay ka dhisan doonaan safaarad cusub.

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga waxa ay u mahad-celineysaa waajibka qaranimo ee ay guteen ciidamada ammaanka oo sugayay ammaanka wafdiga dowladda Qatar ee maanta soo booqday Muqdisho , taasoo muujineysa kobaca iyo dhismaha awoodda ciidamada Qaranka  .

Socdaalkani oo ah kii Seddexaad ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar uu ku yimaado Caasimadda Muqdisho ayaa ku idlaatay  jawi guul ah.

DSC08015 DSC08016 DSC08021 DSC08022 DSC08024 DSC08025 DSC08034 DSC08037 DSC08039 DSC08040 DSC08041 DSC08043 DSC08044 DSC08047 DSC08050 DSC08051 DSC08052 DSC08055 DSC08058 DSC08059 DSC08061 DSC08069 DSC08070 DSC08074 DSC08076 DSC08082 DSC08083 DSC08090 DSC08098 DSC08099 DSC08100 DSC08102 DSC08106 DSC08110 DSC08111 DSC08112 DSC08113 DSC08114 DSC08115 DSC08116

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here