Madaxda Kenya iyo Ethiopia oo ka wada hadlaya la dagaallanka Al-shabaab

0
2619

R/wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo magaalada Nairobi caasimadda Dalka Kenya,si uu ula kulmo madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

Labada masuul ayaa la sheegay iney ka wada xaajoon doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka argagixisada Shabaab, xoojinta ganacsiga, ka faa’iideysiga tamarta iyo dhammaystirka mashaariicda ay wadaan labada dowladood.

Hoggaamiyeyaasha Kenya iyo Ethiopia ayaa sidoo kale ka wada hadlaya sidii loo xakamayn lahaa shaqaaqooyinka mararka qaarkood ka dhaca xadka ay wedaagaan labada dal , iyo falalka ka dhanka ah ammaanka.

Kenya iyo Ethiopia waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika AMISOM..

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here