Madaxda Maamul goboleedyada oo u amba-baxay Garowe

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug,Koofur Galbeed,Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa goordhaw u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay Garowe uga qeyb gali doonaan aas Qaran oo lagu wado in halkaas loogu sameeyo Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Meydka marxuum Maxamed Cabdi Xaashi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa saakay laga soo qaaday magaalada Neyroobi ee dalka Kenya, waxaana lagu wadaa in Garowe lagu aaso.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay wuxuu shir wadatashi ah uga socday magaalada Dhuusamareeb iyadoo wijiga koowaad ee shirka lasoo gaba-gabeeyay, wuxuuna wasiirku sheegay in wijiga labaad ee shirku billaaban doono markii aaska laga soo laabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here