Madaxda Puntland iyo Galmudug oo kulan ku leh Gaalkacyo

1307

Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan Madaxwayneyaasha Maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland oo ku sugan Koonfurta magaaladda Gaalkacyo ayaa waxa ay socod ku soo mareen goobihii lagu dagaalamay, taasi oo ay ugu kuurgalayeen xaalada sida ay tahay.

Madaxda oo iminka kulan ku leh Hotelka Five star ee Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa waxa ay kaga hadlayaan sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyadii ay kala saxiixdeen., isla markaana looga wada qeyb qaadan lahaa horumarka gobolka.

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa tilmaamaya in kulanka maanta uu yahay mid lagu xoojinayo qodobadii lagu heshiiyay iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa, madaama ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo colaaddii Gaalkacyo.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waa arin aad logu farxo dib-u-shiisiinta meesha la dhacdey & dadaalka aan kala go`a lahayn oo ay Dowladda federaalka ku bixisey Xalinta khilaafkii magaladda Gaalkacyo ka dhacdey.

    Shacabka Soomaaliyeed waxay danta inuugu jirtaa waa nabadda & wada noolaasha.

    Haddii aan kaga gudbo dhanka Gal-mudug oo aan shacabka Soomaaliyeed ka siiyo HORDHAC yar ku saabsan Astaanta Gal-mudug & waxa ay u taagan tahay.

    Gal-mudug state of Somalia waa Mid kamid ah maamul goboleedyadda wadanka Soomaliya ka jiro.

    Waa maamul ka tarjumaya Baahidda & Rabitaanka Shacabka Degaanadda labadda Gobol ee kala ah ( Mudug & Gal-gaduud ).

    Waa maamul astaantiisu tahay GUUL NABADEED.

    Waa maamul u taagan Dib-u-heshiisiin, walaaltinimo & wada noolaasho.

    Waa maamul Hiigsanaya Hadaf Nololeed oo Horumarsan.

    Ugu dambeyntii Gal-mudug state of Soomaaliya Waa degaan ay u siman yihiin, kuna noolaan karaan, wax ka baran karaan, isla mar ahaantaasina ay Si Xor ah uga shaqeysan karaan DHAMAAN Muwaadiniinta Soomaaleed jecel Wanaagga, Midnimadda  & Horumarka shacabka Soomaaliyeed.

    SOOMALIYA SOOMAALI BA LEH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here