Madaxda Qaranka oo ka tacsiyadeeysay dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo iyo Muqdisho

578

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed oo argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen qaraxyo ay ka geysteen Gaalkacyo iyo Muqdisho.

 

Tacsi taas la mid ah waxaa diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Qaraxyo ka kala dhacay Gaalkacyo iyo Degmada Wadajir ee Muqdisho ayay argagixisadu ku dileen ku dhowaad 20 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here