Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeysay geerida wasiirkii Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda

2
2323

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamanka Maxamed Sh. Cusman Jawaari, iyo R/wasaaraha dalka mudane Cumar C./rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee si hayihii xilka Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Maxamuud Coloow Barrow oo saaka ku geriyooday Muqdisho.

Madaxda dalka ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeysay geerida ku timid Allaha u naxariistee si hayihii xilka Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Maxamuud Coloow Barrow.

Sidoo kale waxey tacsi taa la mid ah u direen eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday marxuumka, iyagoo u rajeeyay in samir iyo Iimaan Alle ka siiyo, marxuumkana jannadii fardowsa Alle ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee wasiirkii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamuud Coloow Barroow ayaa u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Taariikh nololeedka marxuumka halkan kala soco dhawaan.

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

    ma dhinte waa illaaheey maalmo yarkahor ayeey aheed markoow wasiirkaan furaayay tababar loo furay kaluumeeysato soomaaliyeed maantana gurigiisi runta ahaay ayoow u hoyday.
    marka hore anigoo aad uga naxay geerida wasiirka ayaan illaaheey waxaan uga baryayaa in illaaheey ufududeeyo su,aasha qabriga jano fardowsana gurigiisa ka dhigo ehelkiisi iyo umadda soomaaliyeed oon ka mid ahayna waxaan illaaheey ka baryayaa inoow samir na siiyo .aamiin yaa rabbi

    wasiirkaan waxoow ka mid ahaa wasiiradii ugu firfircoonaa wasiiradii hore waxoowna ahaay wasiir waayo arag ah oo figrado wax ku ool ah ayoow markasto soo ban dhigi jiray illaaheey wax qabadkiisi haka abaal mariyo.
    waxaan aad ugu farxi jiray markaan arko isaga iyo wasiirada beeraha iyo xanaanada xoolaha oo aan kala harin ood u maleeyso mataano waxeeyna wadaagi jireen howlaha iyo horumarinta wasaaradahooda , waxeey sameeyeen ku dayasho aad u qiimo badan waxaana maanta illaaheey ka baryayaa in madaxda soomaaliyeed ay seddexdaas wasiir ku dayasho ka dhigtaan waayo waxeey umadda soomaaliyeed tuseen walaalnimo daacad ah iyo in aan qabiil laysku raacin ee soomaalinimo loo walaaloobo loona guto howsha qaranka wada jir.
    waxaan si qaas ah tacsi ugu dirayaa wasiirada xanaanada xoolaha iyo beeraha oon maanta dareemaayo ineey garabkooda ka waayeen walaal qaali ah waxaana leeyahay dadaalkiini halkiina ka sii wada meelkastood wadanka ka qabatiin illaaheeyna walaalkiin jano ha idinkula kulmiyo aamiin.

    waxaan maanta rabaa in aan xasuusiyo madaxda soomaaliyeed ee maalin kasta isqabqabsaneeyso shacabkaan daalay korkiisa illaaheey ka cabsada waala dhimanayaa waakaas wasiirkii doraad idinla joogay maanta aakhiro ayoow u hoyday taariikhduna wax beey qortaa
    shacabka soomaaliyeedna marqaati ayoow ka yahay waxa dhacaayo mas,uul kastana maalin uunbay tiisu gelidoontaa markaas oo ama duco lagusagootin doono ama habaar iyo illaah baa naga waday.

    marka ragga soomaaliyeed ee talada haayoow illaaheey ka cabsada qaasatan baarlabaanka aad u maleeyso inoow yahay seef umadda soomaaliyeed loo afeeyay halkay umadda daafici lahaayeen, waxaan maqlaynaa baarlabaanki baa mooshin keenay baarlabaanki baa wax riday baarlabaanku baa madaxweynaha u hanjabay baarlabaanki baa isdiriray. allaahu akbar qabri baa dambeeyo ee baarlabaanoow umaddaanu waa daashay ee godob haka gelin waxaad nabad ku dooni kartana qaxar haku xalin, baarlabaan toosan waxaa lagu yaqaan
    inoow umadda u naxariisto oowna khilaafkii yimaado xal iyo walaalnimo ku dhameeyo.
    waa maxaay maalinwalba isu goodinta iyo ninba maalin keen nina maalin rid, baarlabaanoow maanta cibro qaado ee umadda soomaaliyeed xal u keen khilaafka soo cusboonaadayna illaaheey dartiis u xali , shacabka soomaaliyeed waxoow ka daalay khilaaf iyo qaxar ee dowlada maanta la dhisay waxba yaanan lakala daadin ee khilaafka walaalnimo halagu xaliyo hadii kale soomaaliyo waxeey galeeysaa maalinkasta guri dhis maalinka ka dambeeyana dumi.

    yaa illaahiiy wasiirka dhintay naxariis iyo jano ku abaal mari anagana nooga daba naxariiso wadankeena iyo shacabkeenana ku irsaaq madax daacada aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here