Madaxweynaha dalka Eritrea oo ku soo wajahan Muqdisho

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lafilaa in magalaada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Eritrea Issias Efowerki iyo Masuuliyiin kale ee lasocda.

Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ku sugan qeybaha kala duwan ee Balshadda iyo Siyaasiyiin kuwaas oo qeyb ah soo dhaweynta Madaxweynaha Eritrea kaas markiisii ugu horeysay Soomaaliya imaanaya.

Amaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyey iyadoo qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka lagu arkayo wadooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar sii horeysay waxaa uu Safar ku tagay dalka Eritrea halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here