Madaxweynaha dalka oo gaaray Garoowe- “DAAWO SAWIRRO”

4422

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminaayo,ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo boqollaal dadweyne ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha  ayaa magaalada Garoowe ka furi doona shir muhiim ah oo ku saabsan xaaladaha dalka gaar ahaan hiigsiga 2016-ka, iyadoo shirkaasina ay ka qeyb gali doonaan madaxda maamullada Jubba, Koofur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweynta ka dib hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guulo balaaan ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah ee kooxda UGUS isagoo maamulka Puntland ku hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen kooxda UGUS oo ku dhuumaalaysanaysa buuraha Galgala ee gobolka Bari,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in la sii wado howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi rajo beelka ah.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale ka hadlay arimo badan oo ay kamid tahay federaalka waxaana uu tilmaamay in dowlad ay meel wanaagsan u marayso dhameystirka arimaha maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay maraakiib loogu talo galay in lagu soo daabulo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yeman oo hadda ay dagaalo ka socdaan.

Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.
11091264_1009029832455587_1505269490_n

11116175_1009029755788928_347722495_n

11117476_1009029509122286_274654318_n

11117486_1009029445788959_1567252544_n

11125493_1009030012455569_617503236_n

11126853_1009029899122247_1768284281_n

11128270_1009030269122210_1276940880_n

 

11178501_1009029552455615_768522019_n (1)

 

 

11178642_1009029562455614_681923907_n

 

11185642_1009029985788905_639681688_n

11185678_1009030015788902_941892448_n

11186374_1009030295788874_1215045820_n (1)

 

11195449_1009030052455565_2118938267_n

11198697_1009030222455548_828554612_n

11198775_1009030132455557_579166378_n

 

11198899_1009030342455536_2111767359_n

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here