Madaxweynaha Dalka Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed

2216

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka mid ahaa mas’uuliyiin uu madaxweynaha Qaranku Xalay gudoonsiiyay shahaado sharaf iyo billado ay ku muteysteen howlahooda ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska  waxa uu ku muteystay waxqabadkii uu muujiyay mudada kooban oo uu xilka Taliyaha hayo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa mudada kooban uu joogay xafiiska Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu ku muujiyay waxqabad balaaran oo dadka Soomaaliyeed aad ula dhaceen, iyadoo si gaar ah uu xil isaga saaray habeynta iyo tayeynta howlaha shaqo ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo wax badan ciidanka dhexdiisa laga dareemay.

Waxqabadka uu muujiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa ka mid ahaa in Arday ka baxday dugsiyada sare oo tababar saraakiil xigeen ah dalka Ugandha loogu diray taasi oo qeyb ka ah barnaamijka Taliyaha uu ku doonayo dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo muhiimad gaar ah ugu fadhiyo dadka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa wada qorshayaal ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyadoo degmooyinka Caasimada ka wada howlgalo lagu xoojinayo ammaanka kuwaa oo habeen iyo maalin u taagan u qidmeynta dadka shacabka, waxaana ciidamo si gaar ah loogu diyaariyay ay u fulinayaan howlahaasi taasi oo ay soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

wa

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here