Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Puntland oo goordhaw tagay Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wax yar ka hor gaaray Magaalad Gaalkacyo, ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ayaa daaran xarigka  jarka Garoonka Kubbada Cagta Cawaale oo hab casri ah loo dhisay.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Maamulka iyo Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka Magaalada Gaalkacyo.