Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland  mudane Saciid Cabdulaahi Dani iyo wafdi uu horkaca ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda FederaalkaSoomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Dani, ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ka qeybgalaysa shirka golaha wadatashiga qaran ee looga hadlaayo arrimaha doorashooyinka dalka.