Madaxweynaha Ethopia oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay danjiraha cusub ee Soomaaliya u jooga dalkaasi

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde ayaa qasriga madaxgooyada dalkaas ku qaabishay Cabdul-xakiim Cabbdullaahi Xaaji Cumar (Cameey) danjiraha dowlada Soomaaliya u jooga dalka Ethopia.

Madaxweyne sahle -work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga gudoontay safiirka oo dhawaan loo magacaabayin uu noqdo danjiraha dalkeena u jooga Ethopia.

Ka hor kulanka safiirka iyo madaxweynaha ayaa danjiraha waxaa si diiran madaxtooyada ugu soo dhaweeyay diplomasiyiinta safaarada iyo diploomaasiyiinta wasaarada arinaha dibada Erhiopia iyo shaqaalaha qasriga madaxtooyada.

Danjiraha iyo madaxweynaha Ethopia ayaa kawada hadlay arimo ku saabsan xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dalka iyo sii wadida iskaashiyada dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dalka.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here