Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xerada Dhaan karoone ee duleedka Gelinsoor “SAWIRRO”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa maanta tababar u soo xiray ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ku sugnaa xerada Dhaan karoone ee duleedka magaalada Galinsoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa taliyeyaasha ciidamada ka dhageystay warbixino ku saabsan ciidamada ku jira xerada, waxaana u uku booriyay inay labo jibaaraan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaano ka tirsan Galmudug.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xusay in maamulkiisa uu xoogga saarayo sidii argagixisada Al-Shabaab looga cirib tiri lahaa guud ahaan deegaannada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here