Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Haween u ololeeya doorka Haweenka “SAWIRRO”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay kooxda LeadNow oo ah dumar si gaar ah ugu ololeeya ka qeybgalka haweenka arrimaha siyaasadda.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah looga wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee 30% ee doorashada labada Aqal ee 2021l, isla markaana uu gacan weyn ka geysan lahaa in haweenku ay helaan qoonda uga aadan Galmudug.

Kulanka ayaa su’aalo dhowr ah lagu weydiiyay Madaxweynaha Galmudug, waxaana uu ugu dambeyn ku soo idlaaday is afgarad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here