Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Danjiraha Britain ee Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Soomaliyeed ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Safiirka Wadanka ingriiska u fadhisa Soomaaliya Ms Harriet Matthews.

Madaxweynaha Galmudug iyo Safiirka ayaa kulankooda looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Colaadda Galkacayo, Waxaana Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Ms Harriet Matthews ay ka codsatay Madaxweyne Guleed in Si Sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka Galkacayo.

Madaxweyne Guleed ayaa safiirka u sheegay in Galmudug mar waliba diyaar u tahay in ay si sharuud la’aan ah ku soo fadhiisato miiska wadahadalka, balse dhinaca kale ay diyaar u noqdaan daminta colaadda.

Wararka ay Wakaaladda SONNA ka helayso kulankaasi ayaa tilmaamaya in sidoo kale Guuleed ay Safiirku kala hadashay arrimaha Doorshooyinka, ugu Dambeyntiina uu kulankaasi uu ku soo dhammaaday jawi is fahan.

Kulankii madaxweynaha Galmudug iyo Harriet Matthews 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here