Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Dhallinyarada magaalada Cadaado “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ku sugan magaalada Cadaado, ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay dhallinyarada magaalada Cadaado.

Kulankaan ayaa looga arrinsaday doorka dhallinyarada kaga aadan wacyigalinta bulshada iyo siddii loo xakameyn lahaa qatarta cudurka faafa ee COVID-19 oo fara ba’an ku haya bulshada magaalada Cadaado.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa dhallinyarada ku dhiiro galiyay inay kaalintooda ka ciyaaraan hanaanka dowlad wanaagga iyo dhismaha Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here