Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Wakiilka Hay’ada UNHCR ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Muqdisho kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR  Mr. Magatte Guisse oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta hay’adda UNHRC iyo Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto Caasimadda Dhusamareeb.