Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay Miisaaniyadda 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaa xalay saxiixay miisaaniyadda dowlad goboleedka Galmudug ee sanadka 2020-ka kaddib markii ay meelmariyeen golaha wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Munaasabaddii uu madaxweyne “Qoor Qoor” ku saxiixay miisaaniyadda waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkaasi oo uu madaxweynuhu xalay casho sharaf mahadcelin ah u sameeyay.

Miisaaniyadda Galmudug waxaa horey u meel-mariyay Golaha Wasiirrada iyo mudanayaasha Baarlamanka maamulkaas, iyadoo ugu dambeynti madaxweyne “Qoorqoor”  xalay uu ku saxiixay Magaalada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here