Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay guddiga ka hortagga COVID-19 “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Caasimada ah ee Jowhar kulan kula qaatay Guddiga ka hortaga cudurka Coronovirus, iyadoo kulanka looga hadlayay sida hey’adaha Dowladda ay isaga kaashan karaan, waxaana shirka goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Dr Maxamed Cabdi Waare oo shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa bulshadu ku codsaday inay raacaan tilmaamaha bahda caafimaadka iyo Hey’adaha ay quseyso.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo sii hadlay ayaa faray Wasaaradda amni#ga, iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in go’aan ay ka qaataan joojinta qaadka ayna ka hortagaan jaadka ka yimaada Dalka Itoobiya, wuxuuna adkeeyay amarka lagu joojiyay Waxbarashada Iskuulada Jaamacadaha, Dugsiyada Quraanka, goobaha dadka isugu yimaadaan sida baararka iyo Garoomada Kubadda cagta lagu ciyaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here