Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Guddiyada Hirgalinta doorashooyinka “SAWIRRO”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlawe Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Guddiyada Hirgalinta doorashooyinka Heer Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xallinta Khilaafaadka.

Madaxweynaha ayaa kulankan warbixin la xiriirta Arrimaha Doorashooyinka uga dhageystay Guddiyada  gaar ahaan Doorashada Aqalka sare, isagoo balan qaaday in Hirshabeelle ay ka dhici doonto doorasho hufan oo si sax ah loogu tartamo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugudambeyn guddiga Heer Federaal iyo Kan Dowlad goboleedka Hirshabeelle ku  booriyay daadejinta Arrimaha hortabinta leh ee Doorashooyinka iyo in si cadaalad ah loogu adeego musharixiinta.