Madaxweynaha Hirshabeelle oo la dardaarmay Guddiga Hirgelinta doorashada Hirshabeelle “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa guddiga kala hadlay dardargalinta howlaha shaqo ee loo igmaday, iyadoo maalmaha soo socda ay tegi doonaan Caasimadda Hirshabeelle ee Jowhar.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa kula dardaarmay Guddiga inay dadajiyaan howlaha doorashooyinka iyo inay si cadaaalad ah u maamulaan howlaha doorashada.