Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku wajahan Jowhar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan Saacadaha soo socda magaalada jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Halkaas oo la filayo inuu ka furmo shirka maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida uu soo sheegayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Abuukar Maxamed Bacadle waxaa socota diyaar garow ballaaran oo loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha dalka iyo Wafdiga la socda.

Magaalada Jowhar Waxaa ka socda Qaban qaabadii ugu dambeysay shirka Maamulka loogu sameynayo dadka Dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo Amniga guud ee Gobolka si weyn loo Adkeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here