Madaxweynaha J. F. S. oo saaka u ambabaxay Baydhabo

960

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu uga qeybgalo xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta ka dhaceysa magaaladaasi.

Wasiirka warfaafinta iyo hanuunuinta dadweynaha Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa isaguna gaaray magaalada Baydhabo, isagoo ka qeybgalaya xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan.

Xafladda caleema saarka ee maanta ka dhaceysa Baydhabo ayaa waxaa kale oo  lagu casuumay, madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, odayaasha dhaqanka, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ee dowladda lagu soo daadiyay waddooyinka magaaladaasi.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here