Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay xaaladda Yemen

1289

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka digay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yemen isla markaana uu faa’ido u yahay garabka Al-Qaacida ee Yemen oo khatar amni gelinaysa guud ahaan bariga dhexe isagoo balan qaaday in uu sii wadayo taageerada la siinayo dadka ka soo cararaya qalalaasaha dalka Yemen oo ku soo qulqulaya wadankiisa sida uu u sheegay walaakadda wararka ee AFP.

Mudane Geelle ayaa sheegay in dagaalka Yemen uu dhibaato ku yahay wadanka Jabuuti isla markaana sababaya in loolanka u dhaxeeya Muslimiinta Suniga iyo Shiicada ay ka faa’ideysanayaan Al-Qaacida uu awoodeeda ku baahinaysa gobolka.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka dhigay in dagaalada hadda ka socda dalka Yemen isagoo sheegay in ay yihiin kuwo u  ogolaanaya in awooda wadanka  ay la wareegaan Al- Qaacida Jasiiaradda Carabta oo magacooda loo soo gaabiyo  AQAP oo saldhiga ugu weyn ku leh dalka Yemen.

AQAP ” ayaa ka faa’ideysanaysa rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada tani waxaa ay abuuri kartaa in ay kala fogaadaan dadka reer Yemen oo aan waligood dareemin kala duwanaansho labo  bulsho ka dhaxeysa ,”  ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in  isbaheysiga militiriga ee Sacuudiga hogaaminyo uu ahaa mid lagama maarmaan ah hase yeeshee waxaa uu ka dhigay in uu kala qeybiyo bulshooyinka dalkaasi oo Shiicada ay noqoto mid ah bartilmaameedsadaan weerarada diyaaraha Sacuudiga iyo Al-Qaacida.

Kumanaan kamid ah dadka reer Yemen oo dagaalada ka kaxay ayaa ka gudbay badda Cas isla markaana gaaray dalka Jabuuti iyadoo hadda la filayo in tiro kale oo aad u badana ay ku soo biiraan dadkaasi.

” Xadkeenu waa uu furan yahay markii horena sidaa ayuu ahaa,”  ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Barta ugu dhow waa 30 kilometres (20 miles) ayaa u dhaxeysa  Djibouti  iyo Yemen, halka looga soo gudbo waa  Bab al-Mandeb oo ah marin muhiim u ah maraakiibta sida shahnadaha kala duwan sida,waxaana uu kala qeybiyaa Africa  iyo  Carabta.

Hey’adaha gargaarka ee dowladda Djibouti iyo kuwo Qaramada Midoobay ayaa u diyaar garoobaya in ay caawiyaan 15,000 oo Yamaniniin ah kuwaas oo kal hore doonyo ku yimid dekadaha dalka Jabuuti.

Djibouti markii hore ayay la ciir ciireysay qaxooti 28,000 gaaraya kuwaas oo intooda badanka yimid Soomaaliya halka dadka Jabuuti ay tiro ahaan gaarayaan 850,000 oo ruux.

” Tani waa markii sadexaad oo qulqul qaxooti inaga soo gaaro Yemen ka dib sanadihii 1986 iyo 1994 tii,”  waxaa sidaa sheegay Madaxweynaha, taas oo ah labo dalka oo wadaaga dhaqan isku mid ah isla markaana leh xiriir ganacsi oo aad u dheer.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here