Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo afur u sameeyay danjirayaasha dalalka Islaamka

1121

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay waxaa uu afur ugu sameeyay danjirayaasha dalalka islaamka ka jooga dalka Soomaaliya  iyadoo uu xigay kulan uu madaxweynuhu la qaatay danjirayaasha kulankaas oo looga hadlayay  xoojinta dalalka islaamka iyo Somalia .

Afhayeenka Madaxweynaha Daa,uud aweys oo warbaahinta qaranka uga warbixiyay kulankaa afurka ah ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu afurka u sameeyay dhamaan wakiilo ka socday danjirayaasha dalalka caalamka islaamka waxaana uu xusay in madaxweynaha iyo danjirayaasha ay ka wada hadleen  sidii dalalkaasi dowladda Soomaaliya uga caawin lahaayeen  dar dar galinta howlaha horyaala dowladda sida hiigsga 2016 ka iyo dhameestirka maamul goboleedyada .

“dabcan munaasbadaan waxay ahayd munaasabd afur  oo madaxweynaha u sameeyay danjirayaasha wadamada islaamka dhowr danjire ayaana ka qayb galay dabcan waxay ahayd munaasbaad iska caadi ah oo madaxweynaha iyo danjirayaasha ay isku dhaafsadeen  wada hadalo gaar ah  oo la xiriira arimaha Soomaaliya “ayuu yiri afhayeenka .

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here